Search This Blog

Senin, 19 Juni 2023

Geedka Xashiishka oo laga sameynayo dhismeyaal "waara" - BBC

Guri laga dhisay xashiish

Xigashada Sawirka, Oskar Proctor

Aqalladan ay ku hareeraysan yihiin cagaarka iyo dhirtu ee laga dhex dhisay beer ku taal gobolka Ingiriiska ee Cambridgeshire, waa wax lagu yaqaan dhismeyaasha laga sameeyo beraha Ingiriiska. Balse marka aad gudaha gasho waxaan shaki ku jirin in aad ogaanayso in uu dhismahani yahay mid ka duwan sida aad u malaynayso.

“Derbniyadu waxay i xasuusiyeen aqal caruureed aan caws ka sameyn jirnay yaraantii,” ayey tiri Gemma Barone oo iska leh aqalkan. “Wuxuu leeyahay tayo qurux badan oo la jeclaysto. Sannadkii tageyna waxaan kululeeyaha iska daminnay muddo 24 saac ah xilli lagu guda jiray qabowgii barafka, saas ay tahayna weli gudahiisu wuu diiranaa.”

Waxa cajiibka ka dhigaya gurigan dhalaalaya, hawada macaan ee quruxda badan ayaa ah waxa laga dhisay. Xashiish. Inkasta oo aynu oganahay in geedka xashiiska lala xiriiriyo maandooriye iyo sidoo kale in mararka qaar loo isticmaalo dawenyta iyo dharka; xashiishku wuxuu si xawli ah u noqonayaa alaab dhisme oo lagu tiirsanaan karo.

Dhirtan sida dhakhsaha ah u korta ayaa sidoo kale ah mid la cusboonaysiin karo, wuxuuna leeyahay awood celin karta carboonka hawada wasakheeya. Marka loo isticmaalo dhisme wuxuu noqonayaa qaabka loo yaqaan “bulukeeti-xashiis” qalabkan dhisme ee adag waxaa laga sameeyay iyada oo la isku qasayo jilifta geedka xashiishka, alwaaxa gunta geedka, biyo iyo liin dhanaan.

Qalabka sidan loo sameeyay wuxuu leeyahay culays tamareed oo sare oo ka dhigaysa wax aad ugu haboon celinta tamarta taas oo dhisamaha ka dhigaysa mid tamar ahaan isku filan sidoo kalena yaraynaya in gaasaska loo bahan yahay ay baxaan. Wuxuu sidoo kale nuugayaa kaarboonka inta uu jiro.

Qalab dhisme oo tayo fiican ayaa aad loogu baahan yahay maadaama ay shirkadaha dhismuhu doonayaan in ay ka takhalusaan caarboonka.Dhismeyaasha guryaha iyo kuwa kale ayaa masuul ka ah 37% tamarta iyo caarboobka hawada lagusii daayo. Waaxana tan ugu wacan ku tiirsanaanta dhismeyaasha ay ku tiirsan yihiin shidaalka, qalabka dhismeyaasha aadka ugu tiirsan shidaalka sida, shamiidada, birta iyo muraayadaha iyos sidoo kale aqallada cagaran oo loo isticmaalo in ay kululeeyaan guryaha kadibna sii daaya kaarboon badan.

Koonfur Afrikaan guraya xashiish

Tayada uu xashiishku ku qabanayo xajinayo kaarboonka ayaa waddamada caalamka ka caawinaya in ay gaaraan yoolkooda ay ku doonayaan in ay gaaran dhismeyaal waara.

Balse inta aan si toos ah xashiishka loogu isticmaalin dhismeyaasha waxaa loo baahan yahay in laga gudbo caqabado ay ka mid yihiin, sharciyada dawladaha ee ka dhanka ah isticmaalka geedkan, ruqsadanyta iyo in la maal geliyo kaabeyaal suurta gelinaya soo saar ballaaran oo ah ah qalabkan laga sameeyo xashiishka, silsiladda gudbinta iyo in laga dhigo mid la goyn karo qiime ahaan.

Ilaa iyo hadda qalabka dhismaha ee xashiishka waxaa loo isticmaalay oo kaliya mashaariic yaryar oo lagu sameynayo guryo xaafadeed, sababo la xiriira gaarsiinta, xaddidaad saaran ballaarinta iyo qiimaha oo sareeya.

Xeerarka sharciga, xitaa beersita geedka xashiishka ayaa ah caqabad kale oo weyn. Dalka Mareykanka tusaale ahaan, beerashada xashiishka warshadeed waxay ahayd sharci-darro ilaa 2018, sababtoo ah geedkan ayaa loo aqoonsan yahay mid ka mid ah dhirta la xakameeyo. In dhime loo isticmaalo lafteedu waxa kaliya oo loo ogolaaday xeerka dhismaha deegaanka ee dalka 2022; waxaa mamnuuc a hin loo adeegsado ganacsi ahaan ilaa ugu yaraan inta laga gaarayo sannadka 2025.

Koonfur Afrika, xashiishka ayaa ugu dambeyntii loo qoondeeyay ka mid noqoshada dalagga beeraha sanadkii 2021, taasoo ogalaanaysa in dalka dhexdiisa lagu beero. Shirkadda dhismaha ee Wolf + Wolf oo fadhigoodu yahay magaalada Koonfur Afrika ee Cape Town ayaa ku can baxday dhismeyaasha laga sameeyay xashiishka 15kii sano ee la soo dhaafay, laakiin ilaa dhowaan waxay ahayd inay ku tiirsanaato dhirtan oo lasoo dhoofiyey. "Waxaan bilaabay inaan ka shaqeeyo gurigaygii ugu horreeyay ee xashiish ka sameysan sannadkii 2007," ayuu yiri aasaasaha iyo maamulaha, Wolf, oo isticmaala magaciisa oo keliya. "Waxaa aad ii soo jiitay dhammaan adeegsigeeda, waxaanan arki karayey saameynta wanaagsan ee ay ku yeelan karto la dagaalanka kaarboonka ee deegaanka la dhisay."

Adblock test (Why?)

Tidak ada komentar:

Posting Komentar

Apun Bahan Scheme Assam 2024: Eligibility, Required Documents and Application Process - PM Scheme Hub

[unable to retrieve full-text content] Apun Bahan Scheme Assam 2024: Eligibility, Required Documents and Application Process    PM Scheme Hub